Muqdisho, Mareeg.com: Waaxda socdaalka Soomaaliya ayaa hakad gelisay nin ajnabi ah oo sheegay inuu dalxiis u yimid Soomaaliya, arrintaasoo ay rumeysan weyday waaxda socdaalka Soomaaliya.
Ninkaan oo lagu magacaabo Mike Spencer Bown, una dhashay dalka Canada ayaa sheegay inuu Soomaaliya u yimid arrin dalxiis oo kaliya.
Ninkan oo 41-jir ah ayaa la sheegay inuu horey u dalxiis tagay 150 dal oo kale, laakiin markii uu ka soo tagay garoonka Muqdisho maalmo ka hor waxaa adkaatay inay waaxda socdaalka Soomaaliya rumaysato inuu dalxiise yahay.
Cumar Maxamed oo ka tirsan saraakiisha socdaalka Soomaaliya ayaa usheegay wakaaladda wararka ee AFP inuusan ninkan oo kale arkin, isla markaana uu rumeysan waayay markii uu Mike Spencer sheegay in ujeeddada uu u tagay Muqdisho ay tahay dalxiis oo kaliya.
Mike ayaa sheegay in laamaha socdaalka ay isku dayeen inay dib ugu celiyaan diyaaradda, taasoo uu ka madax adeegay. Dadka ajaanibta ah ee Soomaaliya yimaada ayaan tan iyo sandkii 1991-dii lagu arkin wax dalxiis sheegaya maadaama dalku dagaal ku jiray.
Mareeg.com