Mareeg Media
Somalia

Ajnabi loo dhiibayo Gudoonka Bangiga dhexe & sababta xukumada kheyre ay u badaleyso sharcigii bangiga!

Xukuumada uu horboodo RW hasan cali kheyre ayaa dajisay sharci wax looga badalaayo Sharcigii hore ee bangiga dhexe ee somaliya Kaas oo qabay in Gudoomiyaha iyo golaha fulinta bangiga aya waajib tahay in ay muwaadiniin soomaaliyeed ahaadaan.

wax kabadalida sharciga ayaa walaac badan dhalisay hindisa sharciyeedkan oo ay soo dajisay wasaarada maaliyada ayaa baarlamaanka loo gudbiyay si ay u aqriyaan una ansixiyaan.

Walaaca ugu weeyn ee arinta laga muujiyay ayaa ah in xukuumada ay Rabto ineey ku tagri fasho dhaqaalaha dalka, xildhibaanada qaar ayaa aaminsan in Ay jogaan Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Howshan qaba kara loona baahneen in wax kabadal lagu sameeyo hindise sharciyeedka bangiga dhexe oo ay xukuumada rabto ineey u dhiibto Gudoon ajnabi ah maadama sharciga hada bangiga ku shaqeeyo uuna ogoleen .

Hadii Sharcigan labadalo waxaa Iyana macquul ah ama uu sharcigaan tijaabo u noqon karaa in xukuumada ay Fuliso qorsha kasta oo ay ku doneeyso ineey wax ku badasho , sharciga bangiga oo ah mid qadiimi ah ayeey qabiiro dhanka dhaqaalaha ah Oo aan weydiinay noo sheegeen in sharcigan uu dhoowrayo dhamaan xuquuqaha muwaadinka.

Hadii Hoggaanka bangiga ajnabi loo dhibaa waxeey meel ka dhac weeyn ku naqan doontaa dhamaan muwaadiniinta soomaaliyeed ee bartay cilmiga dhaqaalaha shaqadana qaban kara.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!