Mareeg.com: Dowladda Pakistan ayaa bilowday iney dadkeeda ka daadgureyso dalka Yemen, halkaasoo lagu hayo duqeymo xagga cirka oo Sacuudigu hogaaminayo. Mas’uuliyiin Sacuudiyaan ah ayaa sheegay in duqeymaha si KMG ah loo hakiyey si loo daadgureeyo dadka reer Paksitan.
Shalay oo axad aheyd ayaa muddo 2 saacadood ah la hakiyey duqeynta ka dhanka ah Xuuthiyiinta, si halkaas looga qaado ilaa 500 Pakistaaniyiin ah, oo lagu celiyey dalkooda.
Ciidamada badda Sacuudi Carabiya ayaa sabtidii boqolaal dublamaasiyiin ah ka qaaday dalka Yemen, kuwaasoo ay qaarkood u shaqeynayeen Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale.
Sidoo kale, markab uu leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku xirtay dekedda magaalada Cadan, wuxuuna halkaas ka qaaday Dublamaasiyiin, iyo shaqaale u dhashay dalkooda.
Dowladda Soomaaliya oo muwaadiniin badan ka joogaan dalka Yemen, islamarkaana taageertay duulaanka Isbaheyiga Sacuudiga ayaan soo bandhigin wax qorshe ah oo lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed haddii ay dhibaato kala kulmaan Kooxda Xuuthiyiinta.
Dhinaca kale, Afahayeenka Isbaheysiga duqeynta ku haya Xuuthiyiinta, Ahmed Asiri ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay ka gaareen duqeymaha ka dhanka ah kooxdaas, ayna bur buriyeen saldhigyo milateri oo ay Xuutiyiinta ku lahaayeen Sanca, Sacda, Hudeydah.
Wuxuu sheegay iney Xuuthiyiinta ka horjoogsadeen iney gacanta ku dhigaan magaalada Cadan, wuxuuna xusay in duqeynta lasii wedayo ilaa uu dalka ka shaqeyn karo madaxweynaha Yemen, Cabdi Rabbu Mansuur Haddi, kaasoo Xuuthiyiintu awooda uga saareen dalkiisa.
Dowladaha Carabta oo shir uga soo gaba gaboobay magaalada Sharma Sheikh ayaa isku raacay in la dhiso ciidan wada jir ah, inkastoo aan la ogeyn inay ciidan dhulka ah geyn doonaan Yemen iyo in kale.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.