Ajaanib afar sano burcad badeed ku heysatay Xarardheere oo xorriyad helay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ajaanib afar sano burcad badeed ku heysatay Xarardheere oo xorriyad helay

Mareeg.com: Shaqaale reer Hindiya oo muddo 4 sano ah burcad badeed ku heystay deegaan ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya ayaa xorriyadooda dib u helay.

Garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa goor dhaweeyd laga duuliyay 7 nin oo u dhashay dalka Hindiya, kuwaas oo muddo afar sano ah u afduubnaa kooxo burcad badeed ah.

Todobada nin ee Hindida ah ayaa la geynayaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho n, halkaasoo ay uga sii ambabixi doonaan dalkooda.

Burcad badeedda ayaa raggan muddo Afar sano ah ku heystay nawaaxiga degmada Xarardheere, iyagoo hore u sii daayay markabkii ay shaqaalaha ka ahaayeen kadib markii ay lacag madax furasho ah ka qaateen.

Diyaarad qaas ah oo ay dowladda federaalku u dirtay raggan Hindida ah ayaa goor dhaweeyd ka qaaday garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusamareeb.

Ma cadda in sii deynta raggaan Hindida ah lagu bixiyey madax-furasho lacageed, waxaase warbaahinta dowladda Soomaaliya baahisay in ragas lagu sii daayey dedaal ay bixisay dowladda Federaalka ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!