Ahlusunna Waljamaaca oo laga cabsi qabo iney weerarto Guriceel

Mareeg.com: Ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca ee horay ciidamada Milateriga Soomaaliya uga saareen deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa wada dhaqdhaqaaq ciidan, iyadoo laga cabsi qabo iney ku duulaan Guriceel.

Wararka ka imaanaya degaanka Bali-howd ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Ahlusunna ee laga saaray Degmooyinka Gurceel iyo Dhuusomareeb ay halkaasi ka wadaan Dhaqdhaqaaqyo Ciidan.

Ciidamada Ahlusunna ayaa la sheegay in Shalay galinkii danbe ay yimaadeen Duleedka Degmada Gurceel, waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka warheleen, inkastoo ay dib ugu laabteen Degaanka Bali-hawd oo ay ka yimaadeen.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda ee Gurceel jooga ayaa wada baaritaano ay ku sheegeen in ay ku Xaqiijinayaan Amaanka Gobolka Galgaduud.

Ahllusunadii laga saaray Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa ku sugaan deegaan hoostaga Xeraal, waxeyna halkaas dib ugu soo abaabulayaan ciidankooda, iyagoo doonaya iney dib u qabsadaan labada magaalo oo ay muddo 7 sano ka badan ka talinayeen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245