Mareeg Media
Somalia

Ahlusunna oo xilal sare ka dalbatey dowladda Federaalka

Ururka Ahlu-sunna ayaa mar kale dhaliilay habka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso hannaanka dhismaha maamulka Galmudug.

Qoraal uu soo saaray Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayuu ka digay in haddii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isbaddal la iman weydo ay iyaguna bilaabi doonaan howlo ay ku soo dhisi doonaan maamul kale.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ururka Ahlu-Sunno uu doonayo in Galmudug uu ka qabto jagooyin sare-sare oo la mid ah kuwii uu ururuku horey uga hayay maamulka Galmudug.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar ka mid ah musharrixiinta madaxtinimada Galmudug ay diideen in ay ka qeybgalaan doorashada, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu isna magaalada Gaalkacyo ka wado howlo u gaar ah oo uu maamul ku soo dhisayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!