
Read Time:25 Second
Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa waxaa ay si cad uga soo horjeesteen Shuruudo adag oo looga baahan yahay dadka doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Galmudug,kaas oo ay soo saareen Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa uu kaga soo horjeestay shuruudaha ay soo saareen Guddiga.
Ahlu Sunna ayaa sheegtay in shuruudaha uu xalay soo bandhigay Guddiga aysan quseyn 20ka Xildhibaan ee ay soo xulatay ugana mid noqonaya Baarlamaanka Galmudug.