Mareeg Media
Somalia

Ahlusunna oo Dacwad ka gudbineysa Dowladda Federaalka

Hoggaanka ugu sareeya Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca oo ay wehlinayaan guddiga farsamada iyo Maamul u sameynta Galmudug ee uu Magacaabey sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulan xasaasi ah waxaa ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo Go’aano soo saarey.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen habraaca ay shalay soo saareen guddiga Maamul u sameynta ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyaga oo soo saarey dhowr qodob oo xasaasi ah,kuwaas oo kala ah.

1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Si kastaba kulanka ay yeesheen hoggaanka Ahlusunna oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dambeeyey,kadib markii dowladda ay guda gashay dhismaha Galmudug,iyada oo hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen in aan.weli la fulin heshiiskii ay dowladda la galeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!