Ahlusuna Waljamaaca Oo Markii Ugu Horreysay Wadahadal Ugu Baaqay Alshabaab

Dhuusamareeb – Mareeg.com: Ururka hubeysan ee Ahlusuna Waljamaaaca qeybta gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horreysay baaq wadahadal ujeediyey xarkada Alshabaab oo muddo ka badan 6 sano ay kula dagaallamayaan gobolkaas.

Gudoomiyaha guddiga Fulinta maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Galgaduud Sheekh C/rizaaq Maxamed Cali “Ashcari” ayaa ujeediyey Alshabaab iney Ahllusuna la galaan nabad iyo wadahadal.

Sheekh Ashcari ayaa sheegay iney ugu baaqayaan Alshabaab in laga wada hadlo mabaadii’da lagu dagaallamay.

“Waxaan ku baaqeynaa nabad, waxaan ku baaqeyna wadahal ku saabsan mabaadii’da lagu dagaaallamay” ayuu yiri Sheekh C/rizaaq Maxamed Cali “Ashcari” oo uu soo xigtay Radio KNN oo ku yaalla Muqdisho.

“Kooxda khawaarijta ah waxaan leenahay ergadiina soo dirsada oo aan ka wadahadalno waxyaabaha keenay in labada dhinac muddo dheer dagaallamaan” ayuu yiri sarkaas ka tirsanmaamulka Ahlusuna Waljamaaca.

Waa markii ugu horreysay ee ururka Ahlusuna Waljamaaca ugu baaqo xarakada Alshabaab oo aad ugu kala duwan yihiin xagga fekerka, lamana oga in Alshabaab aqbali doonaan baaqaas iyo inkale.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245