Ahlusuna oo xustay dadkii uga geeriyooday dagaaladii Alshabaab

Mareeg.com: Ururuka Ahlusuna Waljamaaca ee gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta xusay dagaalyahandii uga geeriyooday dagaaladii ay la galeen Alshabaab sanadihii la soo dhaafay.

Xuska nuucaan ah oo Ahlsuna Waljamaaca sanad kasta qabato ayaa ka dhacay degmooyinka ururukaas ka maamulo gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunada Waljamaaca, Sheekh C/risaaq Cali Mire (Ashcari) ayaa warbaahinta u sheegay in xuskaani yahay mid lagu xusuusanayo dagaalyahanadii ururukiisa uga geeriyooday dagaalladii lagu hoobtay ee ay la galeen ururka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee Alshabaab.

Al-ashcari ayaa xusay inuusan weli dhamaan dagaalkii Ahlusuna kula jirtay Alshabaab, wuxuu tilmaamay iney ku hami weyn yihiin iney Alshabaab ka saaraan dhamaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Ahlusuna iyo Alshabaab ayaa ku dagaallamayey gobolka Galgagaduud ku dhawaad todobo sano, iyadoo dagaalladaas ay ku dhinteen boqolaal dhallinyaro ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245