Ahlusuna iyo Ximan & Xeeb oo diiday dhismaha maamulka gobollada Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ahlusuna iyo Ximan & Xeeb oo diiday dhismaha maamulka gobollada Dhexe

Mareeg.com: Wadaada Ahlusuna Waljamaaca iyo Ximan iyo Xeeb ayaa kasoo horjeestay qorshaha lagu dhisayo maamul ay yeeshaan gobollada Muqdug iyo Galgaduud.

Waxaa sidoo kale, heshiiskaas diiday siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo, kuwaasoo ku dooday in madaxweynaha maamulka Galamudug Cabdi Qeybdiid uusan wada matalin dad maamulkaas.

Guddoomiyaha guddiga fulinta maamulka Ahlu sunna ee gobollada dhexe Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire (Al-Ashcari), ayaa sheegay in golahu ay ka soo horjeedaan heshiiskii arbacadi lagu gaaray magaalada Muqdisho kaasoo maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Al-Ashacari ayaa sheegay in qodobbada lagu heshiiyay aysan khuseyn Alhusunnada gobollada dhexe, isla markaana aysan matalin xubnaha Ahlu sunna u saxiixay heshiiskaas.

Wuxuu tilmaamay in guddiga fulinta uu yahay cidda go’aan ka gaari karta arrimaha la xiriira saxiixa heshiisyada Ahlu sunna.

Heshiiska Arbacadii lagu gaaray magaalada Muqdisho ee maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug waxaa maamulka Ahlu sunna u saxiixay guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu sunnada gobollada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa isaguna diiday heshiiska lagu saxiixday Muqdisho ee hal maamul loogu sameynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdi Maxamed Axmed Nuur oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in heshiiskaas aysan u dhamyn dadkii xal ka gaari lahaa hirgelinta maamul ay wada dhistaan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Heshiiska arbacadii looga dhawaaqay Muqdisho ee lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa saxiixay”

1- Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid (Galmudug)

2- ShekhIbraahim ShekhXasan Guureeye (Maamulka Alsunna Waljamaaca)

3- Cobdullahi Maxamed Cali (Baarleex) (Maamulka Ximan & Xeeb)

Halka dowladda Soomaaliya ay heshiiskaas u saxiixeen 4 xubnood oo kala ah:

4- Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow (Xukuumadda Federaalka Soomaaliya)

5- Ducaale Adam Maxamed (Xukuumadda Federaalka Soomaaliya)

6- Axmed Cali Salaad (Taako) (Xukuumadda Federaalka Soomaaliya)

7- Mahod Moxamed Salaad (Xukuumadda Federaalka Soomaaliya)

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!