Ahlusuna Iyo Alshabaab Oo Dagaal Ku Dhex Maray Deegaan Ka Baxsan Garbahaarrey

Read Time:33 Second

Garbahaarrey, Mareeg.com: Dagaal u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna Wal-jamaaca iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Siinka dheer oo u dhaxeeya degmooyinka Garbahaarrey iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-Qaaddi oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in goobta lagu dagaallay 15 km u jira magaalada Garbahaarrey.

Al-Qaaddi ayaa sheegay in dagaalka uu billowday kaddib markii ciidamada Ahlu Sunna ay weerareen deegaanka oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, 5 qof ay ku dhaawacantay madaafiic saaka ku dhacay magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %