Agaasimihii wasaaradda Haweenka Soomaaliya oo xabsiga laga sii daayey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Agaasimihii wasaaradda Haweenka Soomaaliya oo xabsiga laga sii daayey

Mareeg.com: Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta in la siidaayay agaasimaheeda oo maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa xabsi ay leedahay hay’adda nabad sugidda qaranka.

Madaxa warbaahinta iyo xiirirka dadweynaha ee wasaaradda haweenka Cabdifataax Maxamuud Axmed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey siideynta agaasime Maxamed Cumar, inkastoo uusan faahfaahin habka lagu sii daayey.

Wuxuu sheegay in haatan uu agaasimaha ku sugan yahay xafiiskiisa, wasaaradduna ay soo dhaweyneysa siideyntiisa.

Agaasimaha wasaaradda haweenka ayaa 11-kii bishaan xilli habeen ah lagala baxay gudrigiisa waxaana la sheegay in lagu xiray amar ka soo baxay xeer ilaalinta iyo hanti-dhawrka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!