Sii Hayaha xilka wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Xuquul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta u xaqiijisay in Agaasimaha ay axireen ciidamada nabad Sugidda Soomaaliya.
Khadiijo Diiriye ayaa xustay iney la xiriirtay saraakiisha Nabad Sugidda, islamarkaana lagu wargeliyey in la xiray kadib markii ay dacwad kasoo gudbiyeen Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Hanti Dhowrka Qaran, kuwaasoo ku eedeeyey ku takrifal xafiiseed.
Waxey Khadiija xariga Agaasimaha ku tilmaamtay wax lala yaabo, iyadoo tiri “Haddii xafiis lagu takrifalay aniga ayaa mas’uuliyadda qaadi lahaa, ee maaheyn in agaasimaha loo xiro”.
Waxaa jira warar sheegaya in sidoo kale Nabad Sugidda Soomaaliya xabsiga dhigtay labo gabdhood oo wasaaradda ka shaqeeya kadib markii ay booqasho ugu tageen Agaasimaha xiran.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.