Agaasimaha Tv-ga Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo la sii daayey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Agaasimaha Tv-ga Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo la sii daayey

Waxaa Daqiiqado ka hor la sii daayay Agaasimaha Tv-ga Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo Mudo Lix Maalmood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Tv-ga Universal ayaa Noo Xaqiijiyay in ay Xoriyadoodii ay dib u heleen Agaasime C/llaahi Xirsi iyo Wariye Sarre Cawil Daahir Salaad.

Waxaana sidoo kale la fasaxay Xaruntii TV-ga Universal ee Magaalada Muqdisho oo horay hawada loogu saaray.

Xariga Weriyaasha ayaa ka dambeysay ka dib markii todobaad ka hor uu Telefishinku qabtay dood wadaag looga hadlayay xaalada Soomaaliya, waxaana la rumeysan in doodaas ay dhibsatay dowladda.

Arrintaan ayaa ka danbeeysay ka dib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka u Qoray Warqad uu ku dalbanayo in Deg Deg loo siidaayo Wariyaasha.

War saxaafadeedka ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrinta ku saabsan xildhibaanada ka qeyb galay doodaas looga hadli doono Baarlamaanka gudihiisa, isla markaana loo gudbinayo arrinta anshaxa ee Baarlamaanka.

– See more at: http://risaala.net/articles/28402/Weriyaashii-TV-ga-Universal-oo-la-sii-daayay#sthash.HX6uYr4R.dpuf

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!