Agaasimaha Radio Dalsan ee Muqdisho oo la xiray
Mareeg.com: Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa manta xabsiga dhigay Agaasimaha Radio Dalsan, Xasan Cali Geeseey iyo mid ka mid ah weriyaasha Idaacadaas, kaasoo lagu macagaabo Abuukar Xasharo.
Sababta loo xiray gaasimaha Dalsan ayaa lagu sheegay iney ka dambeysay wareysi uu siiyey Idaacadda VOA kadib markii shalay hay’adda Nabad Sugiddu warbaahinta ku amartay ineysan baahi Karin wararka Alshabaab.
Sidoo kale, Radio Dalsan ayaa laga sii daayey war sheegaya iney wax laga xumaado tahay in warbaahinta lagu amro ineysan baahin Karin wararka Alshabaab.
Warar goor dambe soo baxay ayaa sheegaya in la soo daayey Abuukar Xasharo, halk Xasan Cali Geeseey ay su’aalo weydiinayaan ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya.
Agaasimayaasha warbaahinta Muqdisho oo shalay looga yeeray xarrunta hay’adda Nabadsugidda gobolka Banaaadir ayaa ku amray weriyaasha ineysan sii deyn Karin wararka kazoo baxa Alshabaab ee codadka ah.
Mareeg Media
Comments are closed.