Agaasimaha Idaacadda Shabelle oo ka badbaaday isku day dil
Muqdisho (Mareeg Online)–Agaasimaha Radio Shabelle Abuukar Sheekh Maxamuud Sky ayaa lagu soo waramayaa in uu maanta ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo.
Falka la doonayey in maanta lagu dilo Agaasine Abukar Sky ayaa la xaqiijiyey inuu gaystay mid ka mid ilaalada Isbitaalka Yardmeli ee ku dhaw iskool Boliisiyo.
Balse Agaasimaha waxba kuma noqon Rasaastii lagu furay.
Falkan ayaa u muuqda mid abaabulan, sida uu sheegay Agaasimihii hore ee Idaacadda Shabelle, Cabdi Cuud.
Agaasime Abukar Sky ayaa maalmahan si joogta ah u tagaayey Isbitaalkaa oo ay ku jirtay Habaryartii waxaana maanta uu isbitaalka ka soo saaraayey Maamada.
Comments are closed.