Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Cumaan + Sawirro

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Mohamed Aadan Koofi ayaa waxa ay gaareen dalka Cumaan iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu hogaaminayay Agaasime Koofi ayaa waxaa dalka Cumaan ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Mohamed Aadan Koofi  ayaa kormeer waxa uu ku tagay Xarunta ay ku shaqeyso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, isagoona si gaara ugu kuur galay howlaha ka socda xafiiska lagu bixiyo Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga.

Wuxuu sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uu kulan la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan Wardheere iyadoona ay kawada hadleen labada mas’uul howlaha Hay’adda ay ka heyso Safaaradda iyo dhowrista sharciga qaadashada Baasaboorka Soomaaliya .

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii loo hormarin lahaa Baasaboorka Soomaaliya, si loo gaaro in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu ku tagi karo halkii uu doonayo.

 

 

 

 

 

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia