Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Iyo Madax Ka Tirsan Hay’adda EISA Oo Kulmay
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa la kulmay Madaxa Soomaaliya u qaablisan Machadka Doorashooyinka iyo Hanaqaadka Dimuqraadiyadda ee Africa Justin Doua iyo Lataliye sare ee ka socotay Hay’adda Saferworld Marjorie.
Kulanka waxaa Agaasimaha Guud ku wehliyay Lataliye sare Faaduma Cabdullaahi iyo Agaasimaha Qorsheeynta iyo Horumarinta Maxamed Bashiir oo labadaba katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.
Shirka dhici doona horaanta Agoosto oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda, Macahadka EISA, iyo Hay’adda Saferworld ayaa ah mid ay ka soo qaybgeli doonaan aqoonyahano ka kala socda Dawlad Goboleedyada, Bulshada Rayidka, iyo Quburo ku xeel-dheer Arrimaha Waxbarashada Madaniga, Latashiyada Dadweynaha, iyo Isticmaalka Warbaahinada kala duwan.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii shirkaa uu u noqon lahaa mid ku soo dhamaada guul ayna ka soo baxaan Istiratiijiyooyin wax ku ool ah oo door wayn ka qaata Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
—–DHAMAAD—–
Comments are closed.