Afhayeenka Wasaaradda Amniga Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Amniga Dalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Amniga Dalka

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab oo la hadlay Warbaahinta Ku hadasha Afka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in Laamaha Amaanka Soomaaliya ay ku guulaysteen Xasilinta Amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Axmed Maxamuud Sayid Carab oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay taasi ku timid wadashaqeynta Shacabka iyo hay’addaha Amaanka qaranka loona baahan yahay in laga hor tago waxkasta oo kasoo hor jeeda hanaanka Amniga Dalka.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ayna garab siiyaan laamaha Amniga qaranka taasoo uu sheegay in ay horseedayso in dalka uu gaaro Amni buuxa lagana hortago Weerarada Ururka Al Shabaab ay kusoo qaadan Xarumaha iyo saldhigyada Dowlada Soomaaliya.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!