Afhayeenka AMISOM iyo guddoomiyiha gobolka Hiiraan oo ka warbixiyey weerarkii xalay lagu qaaday Buuloburde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Afhayeenka AMISOM iyo guddoomiyiha gobolka Hiiraan oo ka warbixiyey weerarkii xalay lagu qaaday Buuloburde

Mareeg.com-Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Cali Aadan Xumad iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa si kala gooni ah ugaga hadlay qasaarihii ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday fariisimo ciidamada dowlada iyo AMISOM ku lahaayeen Buuloburde.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen lix askari oo ciidamada dowlada ah 11 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxyadii iyo iskahorimaadkii ka dhacay xalay Buurloburde.

madax

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu hubo in labo ka mid ah ciidamadii soo weeraray ay dileen isla markaana ururka Alshabaab ay qaateen lix kale oo ku dhimatay iskahorimaadka.
Si kasta ha ahaatee afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan ayaa sheegay in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ka dhinteen saddex askari oo qura.2

Weerarka xalay lagu qaaday magaalada Buuloburde ayaa waxaa ka mid ahaa ciidamadii ku dhintay abaanduulihii ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan Col Maxamed amiin Jeesow.

Xaalada magaalada Buuloburde ayaa degen haatan iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa Jabuuti ay howlgalo si wadajir ah uga sameynayaan gudaha magaalada Buuloburde

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!