Alshabaab: Uhuru Kenyatta wuxuu hayo ha keeno fagaaraha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab: Uhuru Kenyatta wuxuu hayo ha keeno fagaaraha

Mareeg.com: Alshabaab oo shalay sheegtay weerar habeen hore lagu laayey 36 shaqaale dhagaxa qoda meel ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Woqooyi Bari Kenya, ayaa kusii hanjabay iney leyn doonaan dad aan Muslimka aheyn ee Kenya inta ciidamada dalkaas ku sugan yihiin gudaha ciidda Soomaaliya.

Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Cali Dheere oo shir Jaraa’id oo uu qabtay lasoo dhigay baraha Internet-ka ayaa ka hadlay dadkii dhagax qodayaasha ahaa ee habeen hore lagu laayeey deegaanka Koromey oo 15km u jira magaalada Mandheera.

Afhayeenka Alshabaab ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidankoodu sii wadi doono weerarada ka dhanka ah dadka aan Muslimka aheyn ee Kenya inta ciidanka Kenya duullaanka ku joogaan Soomaaliya.

“Uhuru Kenyatta waxaan leenahay waxaad heyso fagaaraha keen, inta ciidanka Kenya duullaanka ku joogaan Soomaaliya dhiigga shacabka Kenya waa sii daadan doonaa” ayuu Sheekh Cali Dheere.

Iscasilaadda taliyaha booliska Kenya, David Kimaiyo iyo wasiirka arrimaha gudaha, Joseph Ole Lenku ayuu ku tilmaamay mid aan wax weyn soo kordhin doonin.

Cali Dheere wuxuuu ku tilmaamay madaxda Kenya kuwa ku soda siyaasado khaldan, wuxuuna xusay in haddii ay duullaanka ka joojiyaan shacabka Soomaaliyeed isbedel imaan karo.

Muddo ka yar labo todobaad, waxaa Alshabaab 64 Kenyan ah, kuwaasoo dhamaantood lagu dilay meelo ku dhow degmada Mandheera.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!