Mareeg.com: Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay ineysan dfagaalkooda u joojin doonin hogaamiya laga dilo.
Cali Dheere oo wareysi siinayay Tv-ga Al-jazeera ayaa sheegay in hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay duqeymo, balse ay sii socdaan dagaalladooda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
“Duqeyn lagu dilo hoggaamiye ama sarkaal Al-shabaab ka tirsan waxba uma dhimayo dagaalka aan Somalia ka wadno. Waan sii wadi doonaa dagaallada aan uga horjeedno dowladda iyo ciidamada Midowga Afrika. go’aankeennuna waa inaan ku dhaqanka sharciga Islaamka ka hirgelinno Somalia oo dhan,” ayuu afhayeenka guud ee Al-shabaab ku yiri wareysigiisa.
Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaas ku daray inay ku faanayaan in dagaalka ay wadaan ay ku baahiyeen gudaha Kenya. Isagoo xusay in weerarkii ay ku qaadeen xarunta AMISOM ee Muqdisho ay ku dileen tiro badan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay Sheekh Cali Dheere inay gacanta ku dhigeen rag uu sheegay inay jawaasiis u ahaayeen la shaqeeya dalalka reer galbeedka iyo shabakado shisheeye ah, kuwaasoo uu sheegay inay gacan ka geysteen dilal loo geystay hoggaamiyeyaal sare oo Al-shabaab ka tirsan.
Mas’uuliyiintii Al-shabaab ee duqeymaha lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah; Aadan Xaashi Ceyrow, Salaax Al-Nebhan, Axmed Cabdi Godane iyo xubno kale, kuwaasoo lagu dilay deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah.
Hadalka afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa kusoo beegmaya iyadoo xukuumadda Somalia iyo Mareykanku ay sheegeen inay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada dhexe toddobaadkii hore ku dileen madaxii sirdoonka Al-shabaab C/shakuur Tahliil.
Dowladda Mareykanka ay duqeyn diyaaradeed ku dishay hogaamiyihii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane oo billowgii bishii September ee tegaya ee 2014.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.