Afhayeenka Alshabaaab oo beeniyey iney dileen Milateriga Kenya

Muqdisho – Mareeg.com: Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa beeniyey warar ay sheegeen milateriga Kenya, islamarkaana ay maalmahaan baahinayeen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliya, kaasoo ahaa in lagu dilay duqeyn Kenya ka geystay koonfurta Soomaaliya.

Cali Dheere oo codkiisa lasoo geliyey baraha Alshabaab ayaa sheegay inuu noolyahay, islamarkaana wararka la baahiyey yihiin kuwa cadow buunbuuniyey.

“Runtii qoladan gaalada Kenya in loo Jawaabo mamudnayn beenta intaas la eg in ay sheegaan waxaa ku khasbay ciidankooda Soomaaliya kusoo duulay ayaa dhibaata la kulmay, shacabka Kenya ayaa dowladda farqaha ku dhegan baaba’a iyo halaagga wiilashooda gaaraya ayay beenta maciin bideen oo ay yiraahdeen mujaahidiinti ayaan dilnay” ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Alshabaab ayaa ku eedeyey qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida iney la jiraan cadowga, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay sida ay u buunbuuniyeen warkaas.

“Waxaa la yaab ah warbaahinta qaar ka mid ah oo afka Soomaalida ku hadla ee sida indha la’aanta u taageeray cadowga, wararkaasna buun buuniyay, in aysan ka fiirsanin wax ay sheegayaan oo ay madax martay kaliya taageerada gaalada” ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere.

Afhayeenka Milateriga Kenya, Major Emmanuel Chirchir ayaa dhawaan sheegay in Afhayeenka Shabaab, Cali Dheere uu u dhintay dhaawac soo gaaray, kadib duqeyntii diyaaradaha Kenya ku qaadeen 10-kii Janaayo ee sanadkan deegaanka birta dheer ee gobolka Gedo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245