Afgooye: Gudoomiye cusub oo xilka la wareegay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Afgooye: Gudoomiye cusub oo xilka la wareegay

Afgooye – Mareeg.com: Gudoomiye cusub oo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya u magacaawday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, laguna magacaabo Xaaji Gaaboow Cusmaan ayaa xilka la wareegay.

Munaasabad uu xilka kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee dagmada Afgooye oo ay ka qeybgaleen maamulka gobalka Shabeellada Hoose iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu qabtay xarunta dagmadaasi Afgooye.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, Cali Abtidoon Xalane, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), saraakiil ciidan iyo bulashada degmadaasi.

Gudoomiyihii hore ee degmadaasi Col. C/llaahi Cabdi Axmed Iideey ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub, isagoo xilka maamulka degmadaasi ku wareejiyay guddoomiyaha cusub, Xaaji Gaaboow Cusmaan.

Sidoo kale gudoomiyaha cusub ee degmadaasi Xaaji Gaaboow Cusmaan oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono horumarka degmada Afgooye, isagoo ka dalbaday bulshada degmadaasi iney gacan ka siiyaan gudashada waajibaadkiisa.

Dhawaan ayay aheyd markii wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya xilalka ka qaadday dhamaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Afgooye.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!