Afgooye: Dhimasho Iyo Dhaawac Haween Kasoo Gaartay Qarax Ka Dhacay Buundo
Muqdisho, Mareeg.com: Qarax ka dhacay degamada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sababay dhimashada qof dumar ah ayaa dhimatay iyo dhaawaca labo kale.
Dad ka tirsan deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay bambo gacmeed lagu tuuray buundo ku taalla magaalada, oo xilligaas ay marayeen haweenka dhibbanayaasha ah.
Labada haween ee ku dhaawacantay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka Afgooye, lamana ama oga cidda lala bar-tilmaameedsaday qaraxaas.
Mareeg.com
Comments are closed.