Afgooye: Dad rayid ah oo ku dhintay qarax iyo rasaas dhacay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Afgooye: Dad rayid ah oo ku dhintay qarax iyo rasaas dhacay

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Afgooyey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in laba qof oo shacab ah ay dhinteen, saddex kalana dhaawacmeen, kadib markii qarax iyo rasaas halkaas ka dhaceen.

Rasaasta ayaa waxaa furay Ciidanka Minishiibiyada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii lagu weeraray bambaano, iyagoo ku guda jiray canshuur qaadis ay ka wadeen Suuqa degmada Afgooye.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in bambku ku qarxay meel aad ugu dhow ciidanka Minashiibiyada, taasoo keentay iney ku jawaabaan rasaas aan loo meel deyin.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastaasi ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah, inkasoo aan wax dhibaato ah qaraxa kasoo gaarin ciidanka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More