Afey: Weli ma jiro siyaasi Soomaali ah oo loo ciqaabay qaswadenimo laakin wey dhici doontaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Afey: Weli ma jiro siyaasi Soomaali ah oo loo ciqaabay qaswadenimo laakin wey dhici doontaa

Muqdisho – Mareeg.com: Ergayga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa hanjabaad u diray raga hubeysan ee kazoo horjeeda maamulka KMG ah ee JUBA ee ku sugan debadda magaalada Kismaayo.

Afey oo maalmihii lasoo dhaafay Kismaayo kula sugnaa Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed, islamarkaana ka qeyb qaadanayey wada xaajoodka xalka loogu raadinayey gobollada Jubooyinka ayaa sheegay in ciddii ka hor timaadda heshiis nabadeed oo lagu gaaray Kismaayo laga qaadi doono tilaabo adag.

“Weli siyaasi Soomaali ah looma ciqaabin qaswadenimo laakin hadda ayay dhici doontaa, cid kasta ee ka hortimaada heshiiska lagu gaaray Kismaayo tilaabo ayaa laga qaadayaa” ayuu yiri Maxamed Cabdi Afey.

“Ma jirto cid laga aqbalayo iney ku ciyaarto Soomaaliya, tilabo ayaana laga qaadayaa qofkii caqaba ku noqda nabadda Jubooyinka” ayuu sidoo kale yiri Afey.

Dhinaca kale, waxa hanjabaadda Maxamed Cabdi Afey ka hadlay Col. Barre Hiiraale oo isagu si cad u diiday inuu wada hadal la galo maamulka Juba ee Axmed Madoobe, wuxuuna Afey ku tilmaamay inuu yahay nin ku beel ah hogaamiyaha maamulka Juba.

“Afey waa nin ku qabiil kuwa ku sugan Kismaayo ee dadka ku leynaya, wuxuuna doonayaa in beeshiisu halkaas sii heysato, tan kale waxaan ogaa in Afey yahay Kenyan” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale.

Raysulwasaare C/weli Sheekh ayaa maalmihii uu ku sugnaa Kismaayo ku guuleysaty inuu isu soo dhaweeyo qaar ka mid ah beelaha Jubooyinka iyo maamulka Juba, hase ahaataa waxaa arrintaas si cad u diiday Col. Barre Hiiraale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!