
Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad weyn oo taageero iyo soo dhoweyn loogu muujinayay Afayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow oo isku soo sharaxay kursi kamid ah kuraasta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federalka ka soo gala Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Xafladda oo lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dowladda Federalka, wasiiro, Safiiro, Senetaro, Xildhibaano katirsa Golaha shacabaka, dhakaahaatiir, aqoon yahano iyo waliba dad weyne Soomaaliyeed oo aad u farabadan.

Waxaa dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qeyb gashay kualnka ay halkaas ka soo jeediyeen hadallo ku aaddan soo dhoweyn iyo taageero ay u muujinayeen musharax Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow iyagoo isku raacay in uu yahay shakhsi u qalma inuu ku matalo kursiga uu doonayo oo ay leedahay Beesha Baadicade.
Wasiirka Arrimaha Gudaha General Mukhtaar, Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Mr Jaamac, Danjire Yuusuf Garaad, Ambassador Salaad Cali Jeyle, Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi, Senator Dufle, Proffesor Dalxa oo dhamaantood madasha ka hadlay ayaa sheegay in Macalimow uu yahay qof muwaadin ah islamarkana aan dalka melena uga bixin isagoo dhowr jeer ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Muqdisho waxaana ay Beesha Baadicade ay ugu baaqeen iney sanadkaan Macalimow soo doortaan iyagoo ku xulanaya karti, aqoon, daganaan iyo waliba waayo aragnimo siyaasadeed oo uu leeyahay.

Waxaa munsabadda sidoo kale ka hadlay haweenka iyo dhalinyarada ka soo qeyb gashay iyagoo sheegay iyagoo sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin mushataxnimada iyagoo soo hadal qaaday waxyaabo badan oo uu qabtay isagoo aan xil dowladeed heynin iyo hadda oo uu yahay afayeenka xukuumadda.
Ugu dambeyntii waxaa munaasabadda hadal kooban ka soo jeediyay Afayeenka xukuumadda Soomaaliya ahna musharax Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow waxaana uu u mahadceliyay mas’uuliyiinta soo dhoweynta iyo qaddarinta ay u muujiyeen, waxaana uu ballan qaaday in uu umadda ugu shaqeyn doono si caddaalad ah, islmarkaana uu noqon doono xildhibaan u taagan horumarinta danta guud ee umadda Soomaaliyeed iyo midda gaar ahaaneed ee deegaanada kursiga uu u sharaxnyahay.

Musharax Xildhibaan Maxamede Ibrahim Macalimow ayaa 1994-tii la shaqeynayay hay’ado caafimaad, wuxuu noqday wariye ka howlagala JOWHAR, wuxuu lasoo shaqeeyay wakaalada wararka ee Reuter, wuxuu sanado badan la shaqeynayay BBC Somali, wuxuu Laba jeer soo noqday xoghayaha guud ee Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (NUSOJ) oo hadda loo badalay (FESOJ).
Macalimow ayaa sidoo kale ka soo shaqeeyay horumarinta arrimaha bulshada, islamarkaana waxa uu sumcad wanaagsan iyo ixtiraam ku dhex leeyahay bulshada Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan.

Sidoo kale waxaa iyaduna xusid mudan in Mr Macalimow oo hadda ah afayeenka xukuumadda inuu kamid yahay shaqsiyaadka ugu sareeya xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya isagoona ku dhex milmin khilaafkii u dhaxeeyay Farmajo iyo Rooble oo hadda heshiiyay.
Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa ah inta la ogyahay ah murashaxa kaliya ee aan isagu doonan xildhibaanimada, laakiinse ay dadweynaha gobolku u soo jeediyeen in uu ku matalo, dabadeedna uu ka aqbalay, taasoo muujinaysa in ay tahay tallaabo wanaagsan oo aan hore loo arag.
Waxaan u rajaynaynaa Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow inuu alle fudueeyo xilkaas uu u tartamayo , islamarkaana uu noqdo xildhibaan u taagan danaha umadda soomaaliyeed, kana shaqeeya sidii umadda loo mideyn lahaa.
W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim