Bor, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya Koonfurta Sudan ayaa sheegaya in afar Soomaali ah lagu dilay magaalada Bor ee jabhadda ka horjeeda dowladda ay maamusho.
Soomaalida la dilay waxey dooni ka raaceen magaalada Bor, waxeyna kusii jeedeen magaalada caasimadda ah ee Juba oo ciidamada dowladdu gacabta ku hayaan, waxaana Soomaalida doonta la saarnaa dad kale oo kazoo kala jeeday Itoobiya, Uganda, Sudan, Ghana iyo dalal kale.
Koox hubeysan ayaa weerartay doonta oo ay saarnaayeen dadkaas rayidka ah oo ay tiradoodu gaaraysay 26 qof, kuwaas oo u kala dhashay Soomaaliya, Itoobiya, Uganda, Sudan, Ghana iyo dalal kale.
Maxamed Duube Caliyow oo ka mid ah 14 qof oo weerarka ka badbaadday ayaa isagoo ku sugan xadka Uganda iyo Koonfur Sudan ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaaahinta ku hadla afka Soomaaliga in ay doon ka soo daba-qaadatay koox hubeysan oo mucaarad ah, taas oo rasaas ku furtay doontii ay saarnaayeen.
Shan qof oo Soomaali ah oo doonta saarnayd waxaa ka badbaaday Maxamed oo keliya, wuxuuna sheegay Maxamed in kooxda hubeysan ay isagoo dhaawac ah doonta ugu soo galeen oo ay dileen kabtankii, xilligaas oo uu isagana isku dhex qariyay dadkii dhintay.
Weerarka intii uu socday ayaa waxaa magaalada Bor duqeysay diyaarad ay dowladda leedahay, taas oo u fududeysay Maxamed iyo dadkii kale inay baxsadaan.
Horay waxaa usoo baxay warar sheegaya in magaalada Bor lagu dilay labo Soomaali ah, islamarkaana 120 kale ay ku jiraan xero ay leedahaya Qaramada Midoobay kadib markii la boobay hantidii ay halkaas ku heysteen.
Mareeg.com