Afar Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaari Oo Ka Dhacay Dalka Mareykanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Afar Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaari Oo Ka Dhacay Dalka Mareykanka

Clermont, Mareeg.com: Qoys ka koobanaa 4 ruux oo Soomaali ah ayaa shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaaladda Clermont ee gobolka Lowa ee dalka Mareykanka.

Allaha u naxariistee Soomaalida ku geeriyootay shilkaan gaari ayaa la sheegay in gaarigii ay wateen uu ku dhacay gaari kale oo nuuca xamuulka ah, taasoo keentay in gaariyooda yar burburo, taasina keento dhimashadooda.

Daka geeriyooday ayaa kala ah 1 nin iyo 3 dumar ah, waxaana booliska degmada Fayatte ee magaaladda Clermont uu sheegay, darawalka gaariga oo lagu magacaabi jiray Shariif Xuseen Warsame uu jidka ku celin waayay gaariga, isagoo kaddibna ku dhacay gaariga kale, waxaana la geeriyooday hooyadiis Khadiija Maxamed, iyo habaryarihiis oo kala ahaa Miski Maxamed iyo Maryan Kullane.

Kooxaha gurmadka caafimaadka ee magaalada Clermont waxay sheegeen in wax nolol ah aan loogu tagin dadka shilka galay, iyadoo dhammaantood ku naf waayeen isla goobtii shilku ka dhacay.

Shilkaan gaari ayaa dhawacyo halis ah gaarsiiyey darawalkii baabuurka kale oo magaciisa lagu sheegay Alan Shclee iyo kaaliyihiisii Pamela Ann, iyadoo la dhigay isbitaala Palmer Hospital.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.