Afar ruux oo lagala baxay xabsiga degmada Doolow oo la dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Afar ruux oo lagala baxay xabsiga degmada Doolow oo la dilay

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya afar ruux oo mid ka mid ah ay haweeney aheyd lagu dilay degmada Doolow, kadib markii lagala baxay xabsi ay ku jireen.

Dadka la dilay ayaa xilli habeen ah lagala baxay xabsiga, iyadoo meel banaanka ka ah Doolow lagu dilay, iyadoo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa waxaa ku jira nin la dhashay Guddoomiyaha Gobolka Baay C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Guddoomiyaha Gobolka Baay C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa VOA u sheegay in dadka la dilay uu ku jiray walaalkiis, isla markaana aanu wax lug ah ku laheyn Al-Shabaab, isla markaana si arxan daro ah loo dilay.

“Bishii Janaayo ayaa la qabtay, muddo sideed bilood muddo ku siman ayuu xabsiga ku jiray, wax maxkamad ama cadeyn ma jirto, taas waxaa dheer in maamulka meesha ka jira inaan kala hadalnay oo warqad u dirnay, dhibaatadaas hada dhacday mid loogu tala galay waaye”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Baay C/rashiid C/llaahi.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Doolow Aadan Barre Cali (Aadan Madoobe) oo isna la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen saddex ruux, isla markaana la soo qabtay, iyagoo miino dhigayay, waxaana uu beeniyay in dadka la dilay ay qof dumar ah ku jirtay.

“Saddex qof ayaa lagu dilay degmada Doolow, waxay ahaayee Al-Shabaab, labo fal dambiyeedyo lagu qabtay midna qarax ayuu dhigaya, cadeyn ayaa u heynaa, oo maqal iyo muuqaal ah, si shaarac ah oo shacabka ka soo qeyb galeen ayaa lagu dilay”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Doolow.

Si kastaba ha ahaatee dilkan ayaa abuuri kara mad madow siyaasadeed oo soo kala dhex gala labada Maamul, maadaama la sheegay in xiriiro u dhex maray oo ku aadan in ninka u xirnaa maamulka degmada Doolow la sii daayo, kadib markii Wasiirka Amniga Koofur Galbeed uu warqad u diray Maamulka Jubba.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!