Afar Loo Heysto Iney Ku Lug Lahaayeen Weerarkii Westgate Oo Ka Bilaabatay Nairobi

Read Time:38 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Afar nin oo lagu eedeynayo in ay ku lug lahaayeen weerarkii 21-kii bishii September ka dhacay xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ayaa maanta maxkamadeyntoodu ka billaabatay Kenya.

Magacyada afartan eedeysane ayaa lagu kala sheegay: Maxamed Axmed Cabdi, Liibaan Cabdullaahi, Aadan Ibraahim iyo Xuseen Xasan.

Afrataan eedeysane waxaa sidoo kale lagu eedeynayaa in ay gacan siiyeen urur argagixiso ah, ayna si sharci darro ah ku joogeen dalka Kenya.

Eedeysanayaasha ayaa beeniyey dacwadda loo heysto, waxaana loo diiday in lagu sii daayo damiin, iyadoo saldhigga booliiska Kilimani lagu sii heyn doono muddo toddobaad ah si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Weerarkii Westgate oo ay sheegatay Al-Shabaab waxaa ku dhintay in ka badan 60 qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa 170 kale.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %