Afar Ku Dhimatay Bas Lagu Qarxiyey Nairobi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Afar Ku Dhimatay Bas Lagu Qarxiyey Nairobi

Nairobi, Mareeg.com: Ilaa 4 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 20 wey ku dhaawacmeen qarax ka dhex dhacay bas sida rakaab oo marayey agagaarka saldhigga booliska ee Pangani ee magaalada Nairobi.

Baska qarxay wuxuu siday rakaab ka yimid bartamaha magaalada, wuxuuna ku sii jeedayay xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh, waxaana loo badinayaa in waxyaabaha qarxa oo saarnaa baska ay qarxeen.

Madaxa booliska Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in qaraxa uu burburiyay gaariga iyo shan gaari oo kale oo hareeraha ka marayay, waxaana sidoo kale boolisku sheegay in 20 qof la dhigay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla magaalada.

Lama oga cidda ka dambeysa qaraxa, booliskuna waxay sheegeen inay baritaan sameynayaan. Weerar loo adeegsaday qaraxyo labo ah ayaa 14-kii bishaan xilli habeen ah ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Woqooyi Bari Kenya, waxeyna sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!