Muqdisho, Mareeg.com: Dableys hubeysan ayaa maanta afar dhaqtar ku dilay agagaarka Siinka Dheer oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha.
Dhaqaatiirta la dilay ayaa isuguy jiray 3 ajnabi ah iyo mid Soomaali ah, waxaana la sheegay iney rasaas ku fureen gaarigii ay wateen rag hubeysan oo soo xirtay dharka ciidamada.
Dhaqaatiirta Geeriyootay ayaa waxa ay kala yihiin saddex Ajaanib ah oo udhashay dalka Syria iyo nin la sheegay inuu darawal u ahaa, waxeyna ka howlgelayeen Isbitaalka Fiqi ee ku yaalla deegaanka Siinka Dheer.
Magacyada dhaqaatiirtaan ku dhimatay weerarkaan ayaa lagu kala sheegay: Dr. Ayman, Dr. Cabdalla, Dr. C/xamiid oo 3-duba ah Syrian ah iyo Dr. C/kariin Sanweyne oo Soomaali, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay dhaqtar kale oo lagu magacaabo Dr. Maahir oo isna Syrian ah.
Geerida dhaqaatiirtaan ayaa waxaa mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho u xaqiijiyay Dr. Fiqi oo ah Agaasimaha Isbitaalka Fiqi oo dhaqaatiirta ay kusii jeedeen xilliga la dilaye.
Dr. Fiqi ayaa sheegay in dhaqaatiirtaan oo maalin dhaaf u tegi jira Isbitaalka ku yaalla Ceelasha Biyaha ay weerareen rag hubeysan oo baabuur wata saaka abaare 9:00 subaxnimo xilli ay shaqada kusii jeedeen.
Wuxuu sheegay Dr. Fiqi in dableyda hubeysan ay si ulakac ah u dileen dhaqaatiirta oo gaarigii ay wateen ku horjareen gaariga kale, islamarkaana rasaas ku fureen.
Dableyda hubeysan ee jidka u gashay ayaa rasas ooda uga qaaday gaariga oo ka yimid dhinaca Muqdisho, kuna sii jeeday Isbitaalka Fiqi ee ku yaal deegaanka Siinka Dheer.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ee weerartay dhaqaatiirtan ay xirnaayeen dareyska ciidamada dowladda.
Dableyda weerarka ka dambeysay ayaa baxsaday, iyadoo aan la garan heybtooda, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta wax ka dhaceen.
Horay waxaa Isbitaalka Fiqi loogu dilay nin ka mid ahaa maamulka Isbitaalkaas oo ku yaalla banaanka Muqdisho, islamarkaana ka mid ahaa Isbitaalladii abuurmay markii laga qaxay Muqdisho sanadkii 2007.
Mareeg.com