London, November 10, 2013: Allaha u naxariistee, waxaa shalay oo sabti ah dalka Britain ku geeriyoodey Abwaan Sahal Macalin Ciise oo ka mid ahaa hal abuuriyaashii Soomaliyeed.
Abwaan Sahal Macallin Ciise ayaa ku geeriyooday da’da 62-jir, wuxuuna sanadihii dambe ku noolaa dalka Britain oo mudooyinkii ugu dambeeyey uu ku xanuunsanayey.
Abwaan Sahal Macallin Ciise ayaa fanka wuxuu kusoo biiray sideetamaadkii xiligaasoo uu ku sugnaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, waxaana horey uu ugu mid ahaa ciidamadii nabad-sugidda Soomaaliya.
Abwaan Sahal Macallin Ciise ayaa sameeyey heeso badan oo can ah, waxaana ka mid ahaa: Hakaba Banaanshee, Berdihiiku Yiilay Isha Baydhaba, Huburow iyo heeso kale oo aad u farabadan oo intooda badana uu ku luuqeeyo fanaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar.
Abwaan Sahal, waxa uu ku dhahsya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay waxana waxbarashadiisi uu kusoo qaatay isla magaalada Baydhaba, wuxuuna ifka kaga tegay afar caruur iyo xaas.
Mareeg.com