Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) Oo Ka Mid Noqday Xubnaha Aqalka Hoose Ee Galmudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) Oo Ka Mid Noqday Xubnaha Aqalka Hoose Ee Galmudug

Waxaa maanta Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug lagu soo doortay Abwaanka caan ka ah ee Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo maamulka Galmudug u matalaya xubnaha Aqalka Hoose ee dowlada Soomaaliya.

Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) ayaa ah aas aasihii iyo Gudoomiyihi Kooxda Fanaaniinta ee Qeylo Dhaan.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee maamulka Galmudug ayaa ku dhaaway in Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) uu ku soo baxay sursiga koowaad ee doorashada waxa uu helay Codad gaaraya 29- cod halka Musharixiinta kalana ay heleen codad intasa ka yar.

1-Abdi Shire Jaamac oo helay 29 cod

2-Deeq Xuseen Mirre oo heshay 10-cod

3-Suldan Xaaji Aadan oo isna helay 7-cod

4-Qaasim Maxaed Abdi oo helay 5 cod

Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) ayaa mudooyinkii dambe ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!