Kismaayo – (Mareeg.com): Afhayeenka dhanka howlgalka Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegtay in ay shaly galab weerar ku qaadeen diyaaradii uu la socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee gaaray magaalada Kismaayo.
Abu Muscab oo la halday warbaahinta ururkiisa ayaa sheegay in xilligii ay soo dageysay diyaaradda siday wafdiga madaxweynaha ay la beegsadeen hubka lidka diyaaradaha.
Sidoo kale, wuxuu shaagay Abuu Muscab in markii diyaaradduu soo degtay ay garoonka ku rideen madaafiic, wuxuusa qiray in weerarkaas aan khasaare ah ka dhalan.
“Markii diyaaradii siday wafdiga ay isku dayday iney soo caga dhigato ayey Mujaahidiintu hubka lidka diyaaradaha sida Zuuga ku rideen, markii ay soo degtana madaafiic ayay garoonka ku garaaceen, halkaasoo uu khatar ku galay oo isagoo argagaxsan meesha lagala cararay, tiisa ayaan gelini wax weyn ayay dhagihiisu maqleen” ayuu yiri Abuu Muscab.
Ma jiraan ilo kale oo xaqiijanaya warkaas kazoo baxay afhayeenka howlgallada Alshabaab, iyadoo wararka ka imaanaya Kismaayo sheegayaa in wafdiga madaxweynuhu uu caadi uga degay Kismaayo, lana geeyey halkii loogu talagalay inuu xalay joogo, kuna qaabilo madaxda maamulka iyo dadka deegaanka.
Mareeg.com