Abuu Muscab oo oo ka hadalay duqeyn Maraykanku sheegay inuu ku dilay boqol dagaalyahan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Abuu Muscab oo oo ka hadalay duqeyn Maraykanku sheegay inuu ku dilay boqol dagaalyahan

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay war ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Africa oo ahaa in duqeyn xagga cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka ee Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacadda Andalus ee ku hadasha codka kooxdaas ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray dowlada Mareykanka ee ah in ay beegsadeen xero tababar ay Mujaahidiintu leeyihiin, kuna dileen in ka badan 100 dagaalyahan.

“Warka ka soo yeeray dowlada saliibiyada Mareykanka waa been aan sal iyo raad midna lahayn. Ma jirto wax duqeyn ah oo lagu beegsaday xeryaha Al-shabaab mana jiro xitaa hal dagaalyahan oo ay beegsadeen dayuuradaha Mareykanka” ayuu yiri Abuu Muscab.

Sheegashada dowlada Mareykanka ayuu ku tilmaamay mid lagu daboolayo wax uu ugu yeeray fashilkii amni ee Mareykanka iyo xulafadiisa ka soo gaaray hardanka ka socda Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo uu xusay in dhawaan Mareykanka muwaadiniintiisa ku amray in ay isaga baxaan.

Taliska ciidamada Mareykanka Africa AFRICOM ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay duqeyn xagga cirka ah ka fuliyeen degaan qiyaas ahaantii 125 mile u jira magaalada Muqdisho ayna halkaas ku dileen in ka badan 100 dagaalame oo ka tirsan ciidamada Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey kordhiyey duqeymaha xagga cirka ah ee uu ka fulinayo gudaha Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!