Abdirahman Cirro” Xukuumada Siilaanyo Wee Naqayaantay”

Read Time:52 Second

Hargeysa ( mareeg news) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Waddani ee Soomaaliland Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xaalada Soomaaliland, Shirkii ka dhacay Brussels iyo arrimo kale.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Ciro in Shirkii  ka dhacay Magaalada Brussels  ay ka qeyb galeyn Mas’uuliyiin ka socotay  Soomaaliland,islamarkaana sheegay in uu gaf ku dhacay Xisbiga Kulmiye ee haatan haaya talada Soomaaliland.

Dhinaca kale waxaa uu  dhaliil u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,isagoona sheegay in Soomaaliland ay ku jirto marxalad dhaqaale iyo habacsanaan Maamul, balse sheegay in mas’uuliyadiidaas ay qaadi doonaan Xisbiga Kulmiye .

”waxaa maanta meeshii ugu hooseesay maraya siyaasada arrimaha dibada Soomaaliland oo go’doon siyaasiyeed sii galaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya sawiro muujinaya  in Soomaaliland maqaamkeedu hoos u sii socda” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka  Soomaaliland ee Cirro.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday  arrimo ku aadan hawada Soomaaliland , isagoona sheegay in saraakiil ka socda dowlada ay ku sugan yihii Magaalada Hargeysa.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %