Abaanduulaha milateriga Soomaaliya oo reer Doolow kala hadlaya isku xirka ciidamada

Doolow – Mareeg.com: Abaanduulaha cidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdirazaaq Khaliif Cilmi iyo wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo oo shalay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo waxgaradka iyo qeybaha bulshada, sidaas waxaa tebiyey RM.

Jen. Cabdirazaaq Khaliif ayaa sidoo kale la shiraya maamulka degmada Dooloow iyo saraakiisha hogaamisa ciidamada halkaas ku sugan, kuwaasoo dhawaan qaarkood ku duuleen degmada Baled-xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Abaanduulaha ay reer Doolow kala hadlayaan sidii loo joojin lahaa iska horkeenidda ciidamada Soomaaliya ee ku wada sudan gobolka Gedo, kuwaasoo markii hore loo tababaray iney la dagaallamaan Alshabaab.

Waxaa sidoo kale wafdiga wasaaradda gaahaandhiga ka socda iyo reer Doolow ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa amaanka degmada iyo deegaanada ku hareereysan, iyadoo ciidamadana laga wacyigelinayo iney dhexdooda ka dagaallamaan.

Dhawaan ayaa waxaa dhowr jeer dagaal ka dhacay degmada Baled-xaawo, kadib markii ay ku duuleen ciidamo ka tegay Doolow oo la sheegay iney daacad u yihiin maamulka Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo ee fadhigiisu yahay Kismaayo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245