Abaanduulaha Ciidanka xooga dalka oo sheegay inay ku dhow yihiin Baardheere iyo Diinsoor * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Abaanduulaha Ciidanka xooga dalka oo sheegay inay ku dhow yihiin Baardheere iyo Diinsoor

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku dhow yihiin degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere ee Gobollada Bay iyo Gedo.

Jen. C/risaaq oo la hadlayay raadiyaha dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah, waxaana uu xusay in meelaha qaar ay ciidamada la kulmeen dagaalo goos goos ah.

“Ciidamada waxay madaxa la sii galayaan Diinsoor nawaaxigeeda iyo Baardheere nawaaxigeeda, waxay soo mareen deegaano badan, sida Manaas, Iidaale, Raama Cadey ayay hada joogaan”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in dhanka degmada Baardheere ay ciidamada horumar ka sameeyeen, isla markaana ay ku soo wajahan yihiin meelo badan, sida Jubadda Hoose iyo Jubadda Dhexe.

Waxaa uu sheegay in ciidamo xoog leh oo loogu tala galay inay deegaanada xoreeyaan ay ku wajahan yihiin deegaano badan, waxaana uu intaa ku daray in qorshahooda yahay sidii inta aanu dhamaan sanadkan Al-Shabaab laga saaro magaalooyinka oo dhan.

Dagaalo culus ayaa tan iyo shalay la soo sheegayay in ciidamada huwanta uu ku qabsaday wadada, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladaas.

Dhinaca kale isgaarsiinta degmada Baardheere ayaa saaka hawada ka maqan, waxaana maalmihii u dambeeyay barakac xoogan uu ka jiray degmadaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More