Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Sarkaal Sare Oo Lagu Dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Sarkaal Sare Oo Lagu Dilay

Allaha u Naxariistee Waxaa Magalada Muqdisho lagu aasay Madixii Gaadiidka Booliska Xarunta dambi-baarista ee CID-da oo saakay Magalada Muqdisho.

Sarkaalka ayaa kooxo ku hubeysnaa bastoolado waxa ay saakay ku dileyn agagaarka Buundooyinka ee degmada Waaberi xilli uu ka soo baxay Hoygiisa,iyada oo dadkii ka dambeeyey dilkiisa ay baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Isbitaalka Madoona ee Magalada Muqdisho,waxaana aaskiisa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay aaska ayaa waxa ay sheegeen in Sarkaalka uu ahaa Nin fir fircoon oo Shaqadiisa ka adag,balse ay dishay gacan ka xaqdaran.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!