Mareeg Media
Somalia

Aas loo sameeyay Sarkaal ka tirsanaa Madaxtooyada Puntland + Sawirro

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 24 Sep 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Boosaaso ee xarrunta Gobolka Barri Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe)

Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta Marxuun Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe) oo ahaa sargaal katirsan madaxtooyada Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ku wehelinayey, saraakiil ka tisan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweyanha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe), isagoona Illaahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

“Anoo ku hadlaya magaca dowlad goboleedka Puntland xukuumad, baarlamaan, xeer dajin iyo shacbiga reer Puntland meel walaba ay joogaanba inaan tacsi u diro saraakiisha iyo ciidanka madaxtooyada, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe) oo maanta gacan ka xaqdarani ku dishay magaalada Boosaaso ee gobolka Barri, Allaha ha u naxariisto sargaalkan dadkii iyo eheladii u ka dhintayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo” ayuu yidhi Madaxweynaha  Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa uu Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsan Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!