Aamina Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Aamina Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Aamina Maxamed u magacaabay Wasiirka Waxbarashada Kenya, iyadoo baneyneysa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo shan sano ay heysay.

Aamina Maxamed ayaa mar kale ka mid noqotay Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaa horay loo hadal hayay in aysan ku soo laaban doono Golaha Wasiirada.

Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa loo magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Dr Monicah Juma, oo horay u soo noqotay Safiirka Kenya u fadhin jiray Jabuuti iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sanadkii hore dib loo doortay ayaa si tartiib u wada magacaabista xilalka Wasiirada, waxaana uu dib u soo celiyay xubno ka mid ah Wasiiradii hore.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Sunny Leone Sex Videos xxx18 سكس
Mareeg.com somalia, World News and Opinion.