Aabe iyo laba Carruur ah oo ku geeriyoodey dab ka kacay Gurigooda

Read Time:51 Second

Dabkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed ayaa waxaa uu xalay ka kacay guri ku yaalla Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Baydhabo gaar ahaan agagaarka xaafada Onodka ee Magaaladaasi Baydhabo.

Dabka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid,kadib markii uu dab qabsadey Shidaal Guriga yaaley,waxaana uu sababey Geerida Nin lagu Magacaabi Jirey Sheekh Cumar iyo laba Carruur ah oo uu dhaley.

Wariyaha Idaacadda Risaala ee Magaalada Baydhabo siid Cali Muuse Ateera ayaa sheegay in aysan jirin xilliga uu Guriga dabka qabsadey cid u gurmatey taas oo keentay dhimashada Aabaha iyo labadiisa Carruurta aheyd.

Sheekh Cumar ee dabkaasi ku geeriyoodey ayaa kamid ahaa Ardayda sanadkaan ka qalin jebisey Jaamacadda Ganaane faraceeda Magaalada Baydhabo Kulliyadda Shareecada,sidoo kalena uu kamid ahaa Macalimiinta ugu caansan Magaalada baydhabo.

Ilaa iyo hadda majiraan masuulin katirsan maamulka degmada baydhabo oo la hadlay dabka khasaaraha dhimasho iyo midka hantiyadeed geystay ee xalay ka kacay Guri ku yaalla Baydhabo,waxaana saakay socday Gurmad loo sameynayo dadkii kale ee ku harey guriga Sheekh Cumar.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %