Guddoomiyaha Gobolka “Dadaalladeenu waxa ay ku qotomaan in bulshada ay soo doortaan goleyaasha degmooyinka”

Read Time:1 Minute, 0 Second

Muqdisho:, 22 Abriil 2018– Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Agaasime Gobolleedka Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika Mudane Justin Duo Gore ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo wacyi-gelinta ku saabsan hannaanka ay dadka Gobolka Benaadir u soo dooranayaan goleyaasha degmooyinka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada goleyaasha degmooyinka ay kala kaashanayaan khubarada Soomaaliyeed iyo xarumaha cilmi baarista heer caalami, si looga mira dhaliyo hiigsiga ku aaddan dimuqraadiyad horumarsan oo ka tarjumeysa go’aanka dhabta ah ee shacabka Gobolka.

“Dadaalladeenu waxa ay ku qotomaan sidii aan u hirgelin lahayn in bulshada Gobolka Benaadir ay soo doortaan goleyaasha degmooyinkooda, arrinkan oo xoojinaya wada shaqeeynta shacabka iyo Maamulka Degmooyinka, dardar gelinaayana horumarka aynu ku tallaabsaneyno.” Ayuu yiri Eng.Yarisow.

Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir ay ka go’antahay muujinta kaalinta Shacabka, iyadoona la xaqiijinayo danta guud iyo dib u kabashada dalka.

Khubarada Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika ee soo garay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin in aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka ay la wadaagaan Bulshada Gobolka Benaadir, iyagoona ku bogaadiyey Maamulka Gobolku sida ay uga go’antahay hirgelinta golyaasha degmooyinka.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %