Ciidamada amaanka oo saaka xiray wadooyin Muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada amaanka oo saaka xiray wadooyin Muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa saaka ku kalaxay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho, waxeyna xireen waddoyinka waaweyn, waxeynha baarayaan qaar ka mid ah xaafadaha.

Wadooyinka saaka la xiray ayaa waxaa ka mid ah wadooyinka Warshadaha, Sodonka, Wadnaha iyo qeybo ka mid wadada Maka Almukarrama.

Wadooyinkaas waaweyn waxaa laga joojiyey gaadiidka, waxaana dadka loo ogolaaday iney lug oo kaliya ku maraan.

Lama oga inta howlgalkaasi sii socon doono, hase ahaatee wasiirka amniga Soomaaliya C/kariim Xueen Guuleed ayaa shalay sheegay iney qaadayaan howlgallo xadidaya dhaqdhaqaaqa dadka oo lagu sugayo amaanka.

Wasiir Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyin ad-adag si aanay mar kale u dhicin falal argagixiso oo la mid ah weerarkii shalay lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in la kordhinayo howlgallada ammaanka, isaga oo shacabka u soo jeediyay in ay ciidamada kala shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga.

Shalay ayey aheyd markii Alshabaab weerar is-qarxin iyo toos ah ku qaaday madaxtiiyada Soomaaliya, iyadoo weerarkaas ay ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux oo ay ka mid ahaayeen ragii weerarka soo qaaday, asrkar ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!