Mareeg Media
Somalia

67% dadka Kenya waxaa ay doonayaan in Ciidankooda laga saaro Soomaaliya

NAIROBI, Kenya Mareeg. Shacabka Dalka Kenya, ayaa Dowladda Uhuru Kenyatta, ku cadaadinaya in Ciidamada ka jooga Soomaaliya, dib loogu celiyo Kenya,sidoo kalena ay dowladda shaaciso khasaaraha rasmiga ah ee Ciidanka Kenya ku gaaray gudaha Soomaaliya.

Ra’yi ururin la sameeyay oo ay soo bandhigtay idacadda  Radio Africa, oo  xaruntiisu ay tahay magaalada Nairobi  Kenya ayaa lagu sheegay  in Kenyanka ay  dalbanayaan  in dowladda Kenya  ay Ciidanka KDF  ee ka howlgala Soomaaliya  ay ka  saarto .

Shacabka Kenya ayaa waxaa ay ra”yi aruurintan ay  ku dalbanayaan in Dowladda ay si rasmi ah u shaaciso khsaaraha  rasmiga ah ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarradii  Ceel Cadde iyo Kulbiyo ee Gedo iyo Jubbada hoose ee Soomaaliya.

Weerarka Ceel-Cadde ayaa dhacay 15 kii bishii koowaad ee sanadkii 2016 kii.

Al-shabaab ayaa sheegatay in ciidanka Kenya ay ka dishay tiradiisa ay kor u dhaaftay 100 qof, hase ahaatee wali Kenya ma aysan shaacin tirada halkaasi looga dilay

Warbaahinta Kenya ayaa waxaa ay  qoreen  180-200 oo Askari in looga dilay weerarkii Ceel Cadde ee gobalka Gedo.

Dowladda Kenya ayaa  sheegtay  in weerarkii Kuulbiyow  looga dilay 9 Askari 15 kalena looga dhaawacay, hase ahaatee  Al-shabaab iyo Warbaahinta caalamiga ah  ayaa khasaaraha weerarka  Kulbiyoow ku sheegay 57-68 Askari..

80% Dadkii la weydiiyay ra’i ururintan waxaa ay sheegeen in khasaaraha ay Dowladda ka sheegto weerarrada Al-shabaab aysan sax ahayn oo aysan aamineyn.

Qaraxii 1aad ee weerarkii Ceel Cadde ayaa ayey Kenya ku sheegtay in 3 laab uu ka culeys badnaa qaraxii lagu weeraray Safaaradda Mareykanka ee Nairobi 1998ddii.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!