57 qof oo ku dhimatay shil gaadiid oo ka dhacay Pakistan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

57 qof oo ku dhimatay shil gaadiid oo ka dhacay Pakistan

Mareeg.com: Ilaa 57 qof oo rakaab ayaa geeriyooday kadib markii ay dalka Pakistan iskula dhaceen bas iyo booyad shidaal siday

Sida uu sheegay booliska Pakistan, shilkan khasaaraha badan geystay ayaa ka dhacay meel ku dhow magaalada Karachi ee Koonfurta dalkaas.

Wararka ayaa sheegay in booyadda oo ku socotay xowli iyo khad qalad ah ay ku dhacday baska, taasoo keentay labada gaari dab qabsado.

Gaariga baska oo ka baxay Karachi, kuna sii jeeday magaalo lagu magacaabo Shikarpur ayaa waxaa gudaheeda saarnaa 55 ruux, halka dad kale oo badan ay dusha ka saarnaayeen.

Inta badan dadkii dusha saarnaa ayaa ka booday baska, hase ahaatee waxaa dhamaaday dadkii gudaha ku jiray oo u badnaa, waayeel, dumar iyo carruur.

Pakistan ayaa leh diwaan madow oo xagga shilalka ah, waxaana lagu qiyaasaa shilalka sanad kasta ka dhaca dalkaa ilaa 9 Kun, kuwaasoo ay ku dhintaan da ku dhow 5 kun ruux.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!